Here you'll create or edit a custom page for your Web site.
Fanka iyo Suugaanta - Taariikhda Abwaan Maxamud Cabdullahi Ciise (Sangub) Qore: Cabdullahi Nuur Kolombo
Qaybtii Saddexaad
Kolombo: waxaa jira in sidaan la wada socono dalka Soomaliya ay dagaalo sokeeye iyo mashaakilaad badani ka dhaceen. Intii aan dagaalladu dhicin, waliba xilliyadii dambe waxaa la sameeyay Riwaayado fara badan oo dadka lagu kicinayo. Dad ayaa idinku eedeeya in aad bur-burkii dalka qayb ka qaadateen, Hadda oo dalkii dhibataysan yahayna aad weli ka aamusan tihiin. Arrinkaas maxaad ka leedahay? Sangub: Arrintaas aad ayaan uga jawaabayaa, horta dadku ula kac ayuu iska hadlaa, Soomaalidu haba u badnaato in ay ula kac u hadasho, qof ayaa wax uusan ku waydiinin, wax uusan ogayn, wax uusan aqoon iska mala awaalaya. Markaan alifay Riwaayaddii Xorriyo qof kasta si gooni ah ayuu u fasirtay. Maxkamaddaas dhagaha la? ayaa la isa saaraa. Waxaana qumman in wax la is waydiiyo, oo qofkii alifay la yiraahdo maxaad ka waddaa arrintaas?. Waxaa wanaagsan in qofku uu fahmayo waxa uu ka hadlayo, haddii uu qofku ka hadlo wax uusan garanayn waxaa dhacaysa in uu ku dhaco bad uusan gali karin. Fanaaniintu waa aragtida ummadda waxayna la guuraan maalinleeyda. Innagu waxaan niraahnaa Hiddaha iyo Dhaqanka, ismana raaci karaan waayo Hiddihu ma guuro, waa Geeleennii, waa dharkii aynu qaadan jirnay, waa xoolaheennii, wa dharigeennii waa dhaalkeennii, waa aqalkeennii, waa dhagaatigeennii, waa beereheennii, waxaas oo dhan ma guurayaan. Dhaqanku isagu wuxuu la socdaa maalinleyda, tusaale ahaan inteenaan hadda waxaan qabnaa dhar aan Soomaali lahayn, adduunka kama hari karno, dhaqan ayaa la yiraahdaa wuxuu la socdaa maalintii soo baxda. Marka qofka qoraaga ah ama Abwaanka ah ama Mu?alifka ah ama hobolka ah wuxuu la socdaa maalinleeyda, hadday maanta indhahaygu wax fiican sawiraan wax fiican ayaan samaynayaa , hadday wax xun sawiraana wax xun ayaan samaynayaa, horta bal middaas aamina inay jirto. Waayo annagu kacaankii 21-kii Oktoobar markii uu dhashay siiba anigu markaan iska soo qaado, waxaan la dagaalami jiray dawladdii hore, tusaale ahaan, ?Hurudooy Hawaaraay?, ?Gaasiraay innaga yayna kala guraayey?, ?Alla walalac beeneey?. ?waan arkaayoo sheegi maayo? ? Xilka kaan u dhiibtaa iga dhuumanaayoo dhexda caynku kaga go?ay?. Dawladdii hore aniga oo la dagalamaya oo u arka inay wax khaldan tahay ayaa kacaankii dhashay, aad ayaan u dheereeyay, markii xisbigii hantiwadaagu dhashay oo golihii sare uu bur-buray oo nala dagay oo la yiri xukunka balaariya oo xukunkii balaariya aan is niri oo niman la yiri waxbay soo barteen ay na soo galeen oo ay faranjigii nala soo galeen oo xukunkii baahay, kaddibna balantii ayaa laga baxay, waraaqdii kowaad, tii labaad iyo tii saddexaad waa la khilaafay. Annagana ballantii hore ayaan ku soconay, illeen xukunkii waa la leexshay, markaas ayaan niri waa la leexday. Annagu mid ayaan dhaliil ku leenahay illeen dadkaanu saxaynaaba waa dad naga hooseeya, bini aadankuna wuxuu saxaa qof la garasho ah ama ka garasho sarreeya. Sixidayadii ayaad mooddaa inay culays badan keentay. Dhulka sow anigu ma lihi ayaan waxaan sameeyay kolkii uu ruushku Amxaarada u hiiliyay oo ina ka soo saaray, aniga oo aad u caraysan ayaan sameeyay afar heesood:
- ?dhiiggayga waan gadahayaa galaas ayaan ku shubayaa?
- ?walle dheehaay dhaaxo oloshaye waa lagaa dhalin?
- ?maxaa madag galooleed labi lagu maqiiqaa, maxaa dano markhaati leh gumaystuhu murginayaa, maalmuhu isdaba joog maxay noo maraayaan, minguurshuhu muxuu khalad madoobaad qoraayaa? iyo
- ?dhulka sow anigu ma lihi, miyay dhimashadu i qoontaa, miyaan dhiig baxay ka diiraa, shahiidku miyuu dhib diidaa, dhulkayga miyaa la rarayaa, baddayda miyaa la dhurayaa, dhirtayda miyaa la dhoofshaa, ninkii dhoof ku yimid baa geeridu dhibaysaa?
Hadda nasiib darro dadkii iyaga oo walaalo ah ayaad arkaysaa iyada oo laba qolo midba mid ku qaadayo ? dhulka sow anigu ma lihi? dadkaas ayaa ku saxaya oo heesaha taariikhiga ah garan waayay, dad garaadkoodu intaas le?eg yahay ayaa inta kuu yimaada ku leh ?dhulkii ayaad bur-buriseen?. Sixiddayadii waa ay badatay, markaan anigu ka hadlayay Xorriya waa anigii lahaa: ? inay dunidu gabangaabsi tahay oo gabaxa oo liita, waqtigaa is gurayiyo ilaa shiidda lagu guuray, oo ay galgalad tahay ayaan idin garwaaqsiine, taariikhahaan gabaabsiyay qarnigaan galowgu sheegaayo, gudcirkiyo cadceeddan is qabsaday hadalkan gaagaaban, cilmi falagga guuree dayaxa guudka laga saaray, gordane iyo surwadan kala durkee godabta sheegaaya, guntane iyo bayaatkaan isdhacaye geela kala qaaday, gartaan uu afyuubkii lahaa gali aqoon waayay, xurrahan gudinta soofaystay ee gabadka dhiigaystay, lamaanaha gucleeyay ee u tagay dirirka gowriira, gaaranahan oradaaya ee dardaray guubiska hurdaaya, miinguurayaha dhuuntay ee waqtigu iba garaacaayo, garbaraarkan ciilka u go?ay ee gudulka doowaystay, nin kiiskaas gabaday ee habaynku u galay gabiga yuurura, ee ilmadu gabinka ay gaartay , dariiqaa gadmaday ee dunida gees u bixin wayday. ???????????????????????????? ???????????????????????????? waa gabay aad u dheer. Dadku arki mayaan xikamadahaas qotada dheer ee falaggaasna qofkii garan waayaa siduu doono ayuu u fasiranayaa. Dadka eraygii saaraya meel uusan lahayn yeelkod. Abwaaniinta qaar ayaa yiraahda ?waagii waan la I garane saas iyo saas ayaan ula jeeday?. Hadde waa kuwii nooga dheerayn dawladda ee naga lacag badnaa ee la masruufi jiray, ayaa waxay na yiraahdaan ?anigu waligay iyo allahay waxbaan diiddanaa?. Waxay ku qurux badnaan lahayd in la is waydiiyo, intiinaan wada mutacalimiin ayaad tihiin, waxba ima waydiisaan, dad yar ayaan ku harnay dadkii wax allifi jiray waa dhiman karnaa, kuwii dhintay wax lagama qorin. Marka marna annagu raalli kama anaan ahayn in dalkayagii burburo ama dawlad la?aan la soo qaxo inatayda badani raalli kama anaan ahayn, kamana noqon doonno waayo dal la?aan waa ognahay macneheeda iyo dhibaatada ay leedahay. Haddaan saas doonaynose maxaan u gabyaynaa, maxaan qabanaynaa. Waa suuro gal in sixiddayadii ay khaladaad badan keentay
Kolombo: Ugu danbayntii maxaad talooyin u soo jeedin lahayd dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan? Sangub: Anigu haddaan maanta Microphone-ka imid kaama rabo inaad i tiraahdid ugu danbayntii, waa hadlayaa maanta , waxaan ka hadlayaa, wixii qaxootiga iga qabsaday, inaan hadlo ayaan doonayaa, waayo anigu waayo arag ayaan ahay, ma gaajoon ma dhibaatoon, calanka uma soo halgamin, layma dilin, layma ciilin, calan la qurxiyay oo rag ku soo daaleen ayaan gadaanka qabsaday, Sangubow ayaa la i yiri waa la ii sacab tumay, anigoo ilma xalay dhashay la mid ah ayaan qaxay, waligay kuma fakarin Soomaaliya waa ka tagaysaa. Kenya ayaan tagey, waxaan la kulmay dhibaatooyin badan, gaajo badan, carruur badan ayaan watay. Afrika waliba waa roonayd, qaylo ayaa jirtay, waaba la lugayn karay. Halkaan ayaan imid , waxaan rabaa inaad I waydiisaan dhibkii aan Afrika kala kulmay iyo kaan halkaan kala kulmayba! Waayo waxaan ahay 60 jir waxaana ahay 5 jir , waxaan ka wadaa social securitigaygu waa 5 jir, markuu 6 jirsado ayaa dhalasho la igu siinayaa, waxaan nimid dhul aannaan garanayn, Soomaalidii marka waxaaba na dilaya qawaaniinta uu Maraykanku dhigtay, tusaale ahaan waxaad arkaysaa nin 25 sano gaari waday oo aan luqad aqoon, aan akhriyo karin calaamadaha iyo tabeelayaasha kaddibna inta shil xun gala la xirayo, waxaad arkaysaa nin inta xaaskisii gacanta u qaaday la xiray, waxaad arkaysaa qof inta shaqo yar hela kaddibna baabuur aad qaali u ah deyn ku qaadanaya, markii shaqadu ka dhammaato oo uu lacagtii iska bixin waayo gaarigii laga jiidanayo, lacagtii uu horay u baxshayna loo soo celin maayo. Aniga dhib weyn ayaa i qabsatay, markaan waddanka soo galay waxaa la i siiyay wax ay iyagu u yaqaaniin Social security anigu waxaan u baxshay ?naga mid baad tahay?, maalintii danbe ayaa waxaa la i siiyay wax ay iyagu u yaqaaniin I-94 aniguna waxaan u baxshay ?ku gartay? waxay i siiyeen wax ay ugu yeeraan ID oo la yiri haddaadan haysan bangiga lacag ma dhigan kartid, soo in lacagtii la dhigan lahaa la helo kama horrayso isagana waxaan u baxshay ?hooyoo ku go?? guri ayaa la i siiyay aan u baxshay ??. Islaan dhago la? ayaa leh, mar allaale markaan gurigii soo galay indhihii ayaa la iga qabtay, waxaa naloo sameeyay case worker isaguna waa luga la? yahay, waa isku warreernay, maxkamad ayaa nalooka yeeray, ninkii maxkamadda fadhiyay hadalkiisii waan garan waynay, sanqada ayuu ka hadlayay. Dhakhtar ayaan u baahannay dhakhtarkuna waa faruuran yahay, dhakhtarkii wuxuu yiri haddaan cudur dawaynayo faruurtayda ayaan daweyn lahaa. Waagaan halkaan imid waxaan imid iyada oo OJ Simpson arrintiisii taagan tahay, dadkuna ay aad u danaynayaan, Saado Cali ayaa waddanka i keentay, waxaan waydiiyaa ?maxaa laga rabaa ninkaan?? maalmihii hore iigama ayan jawaabin. Maalintii danbe markii maxkamaddii dhammaatay ayaan waydiiyay waxa ninkaan lagu haysto? Waxay ii sheegtay in madawga lagu nacayo. Sidii aan guri u heli lahayn ayaan aad ugu rafaadnay, waxaan aragnaa meel ay ku qoran tahay for rent (kiro) markaan irraahdo may naga kireeyaan waxaa la ii sheegaa in uu hal qol yahay. Gabay ayaan ka tiriyay arrimaha aan halkaan kala kulmay, waxaa la yiraahdaa ?Dabeed Habaynana?
La soco bisha dambe.
Caddadka: Abriil 2002
Maqaalkan qof u dir
Figradaada soo dhiibo Printer Version
|