C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Heshiis ku kala saxiixday magaalada Cadan  C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo kala saxiixanaya heshiis (Jan 5, 2006)
Khamiis Janaayo 5, 2006: Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sh. Aadan, ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Cadan ee dalka Yemen, heshiiskaas oo ah in ay soo afjaraan xurguftii u dhexeysey labada garab ee Dawlada Federaalka ee Jowhar iyo Muqdisho.
Heshiiskaasi waxa ku xusan in 30 beri gudohood uu baarlamaanka FKMG ah markii ugu horeysey ku shiro meel ka tirsan gudaha dalka Soomaaliya.
Laakiin heshiisku ma xusin meesha ay dawladu degi doonto.
Sida laga soo xigtey warbaahinta Yemen, waxaa heshiiska ku cad in hoggaamiyayaasha labada dhinac ee heshiiskani dhex maray in ay qadariyaan xeerarka u deggan dawladda Federaalka ah ee kumeel gaarka ah iyo axdiga qaranka.
Waxa kale oo heshiiskani xubnaha dawlada Soomaaliya ugu yeeray in ay dhinac iska dhigaan muranka iyo is qabqabsiga u dhexeeya oo ay ku dadaalaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen wada jirka iyo in ay danta qaranka muhiimada oo dhan siiyaan.
Waxaa heshiiska ku cad in beesha caalamka la weydiisanayo in ay heshiiska Cadan taageeraan.
Saxiixa heshiiskan waxaa goob joog ka ahaa madaxweynaha dalka Yemen.
Madaxweynaha Dalya Yemen, Cali Cabdallah Saalax waxa uu dawlada Federaalka KMG ee Soomaaliya ugu baaqay in ay dawlada u raraan magaalada Muqdisho. Waxa kale oo uu kooxaha hubaysan ugu baaqay in ay hubkooda ku jeediyaan dhismaha dalka. Dadka Soomaaliyeedna ay wixii hore ka dhigaan wax tegey.
Warbixin dheeraad ah ee Heshiiska Cadan iyo qodobada heshiiska oo Af-Igiriisi ah hoos ka akhri
Isha: Yemen Observer | Sawirada: Yemen Observer iyo Reuters |
Tarjumadii: SomaliTalk.com | Jan 5, 2006
C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo heshiis rasmi ah ku kala saxiixday Cadan
 C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo si wada jir ah Sanca ugu qabtay warsaxaafadeed
Jan 5, 2006: Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa madaxtooyada dalka Yemen ee Cadan ku kala saxiixday heshiis rasmi ah oo lagu soo afjaro hal sano iyo lix bilood khilaaf u dhaxeeyey xubnaha dowladda kaas oo soo bilowda 17-kii Maarso 2005-ta kaddib markii ay xubnaha labada gole isku khilaafeen in dalka la keeno ciidamo shisheeye iyo qodobo kale ayaa heshiiska ay shalay kala saxiixdeen labada mas’uul ka soo shaqeeyey madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax oo isagu shalay goob joog ka ahaa heshiiskaasi.
Qodobada lagu heshiiyey ayaa waxaa ka mid ah in xubnaha labada gole ee dowladda ay ku shaqeeyaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho , iyadoo maadaxweynaha uu Muqdisho imaanayo marka ay noqoto Muqdisho goob nabdoon sidoo kale waxaa qodobada ka mid ah in muddo 30-maalmood gudahood ah ay xubnaha baarlamanka kulan ku yeeshaan dalka gudahiisa ama meeshii nabdoon balse farta laguma fiiqin goobta uu ka dhacayo.
Qodobada kale ee ay madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamanka ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah in loo hawl galo sidii la isaga iloobi lahaa waxyaabihii hore u dhacay ee dhex maray xubnaha labada gole ee dowladda waxaa loogu baaqay xubnaha labada gole in ay ka shaqeeyaan sidii ay dowladda ugu talaabsan laheyd nabad iyo xasilooni ka dhacday guud ahaan dalka.
Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo ka halday kulankaasi waxaa uu ballan qaaday in heshiiskaani uu ka dhaadhicin doono xubnaha labda gole ee ku fikirka ah sidoo kale guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wuxuu sheegay in uu heshiiskani ka dhaadhicin doono xubnaha dowladda ee ku sugan Muqdisho, sidoo kale waxaa kulankaani ka hadlay madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax oo u soo jeediyey xubanah dowladda in ay yeeshaan kala dambeyn waayo ayuu yiri “Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre wuxuu ahaa nin dalka isku hayey lagana wada dambeeyey waxaana la idinka rabaa in aad kala yeelataan kala dambeyn iyo is tixgelin taas ayey ku imaan kartaa dowladnimo.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda federaalka ah C/laahi Sheekh Ismaaciil iyo wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare Xuseen Max’ud Sheekh Xuseen oo iyagaana ka qeyb galay heshiiskaasi una waramayey saxaafadda ayaa waxaa ay sheegeen in madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamanka ay daacad ka tahay fulinta hawshaasi.
Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi oo haatan ku sugan magaalada Jowhar ayaa si aad ah u soo dhaweeyey heshiiskaasi kuna tilmaamay mid taariikhi ah oo isku keenaya xubnaha dowladda waxaa kaloo heshiiskaani ka hadlay afhayeenka xubnaha labada gole ee Muqdisho Cumar Xaashi Aadan, waxaana uu sheegay in dhinacooda muddo ay sugayeen in la soo afjaro khilaafka xukuumadda dhinaca kale dowladda Talyaaniga ayaa iyana si aad ah u soo dhaweysay heshiika ay wada gaareen madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka waxaana ku dhawaaqay wasiirka ku xigeenka arrimaha dibadda ee Talyaaniga oo shalay soo gaaray magaalada Jawhar wuxuuna heshiiskaasi ku tilmaamay mid Soomaaliya u horseedaaya dib u heshiisiin dhab ah.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
|
Heshiiskii Cadan oo ka kooban shan qodob ee ay ku kala saxiixdeen Cabdullaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo ku qoran Af-Igiriisi hoos ka akhri...[Xusuus: Weli DFKMG ahi ma soo bandhigin heshiiskan oo ku qoran AfSoomaali, qaybtan heshiiska ee Af-Igiriisiga ah oo ah heshiiska waxaan ka soo xiganey warbaahinta Yemen...]
ADEN DECLARATION
 president of Somalia (L), President of Yemen (C) and the Speaker of the Transitional Federal Parliament of Somalia (R)..
Under the blessing invitation of H.E President Ali Abdullah Saleh of Yemen, a dialogue took place between H.E Abdullahi Yusuf Ahmed, president of Somalia and H.E Sharif Hasan Sheikh, the Speaker of the Transitional Federal Parliament of Somalia. They held direct talks and dialogue which took place in Aden during January 2-4, 2006.
The president of Federal Republic of Somalia and the speaker of the parliament: - Conscious of the primary importance of the national interest of the Somali people over any other issue. - Deeply behaving in the pursuance of the dialogue started under the auspices of H.E Saleh with the view of reconciling the differences of opinion among the members of the institutions of the state; - Guided by the provisions of the Transitional Federal Charter of Somalia; - Believing that all sacrifices and unlimited efforts should further be made to restore security and stability in Somalia; - Considering and showing full response to the relentless efforts of H.E Saleh to ensure that Yemen - Of all divergences which have existed among the Transitional Federal Institutions of the State; - Have agreed to issue this declaration, with the following provisions:
1. That both leaders have reached to start a new page and end their differences, which have brought serious damage to the discharge of the duties and responsibilities of the institutions, in an spirit of cooperation on which the Somali people were spinning their highest hopes.
2. That both leaders have agreed the necessity that interactive coordination among the organs of the state should be based fully on the total respect of the principles and norms of the Transitional Federal charter, in a manner characterized by constant consultations and respect to the constitutional separation of powers.
3. That the Transitional Federal Parliament should be called upon for an official session that shall be held within 30 days from today, inside the country in a venue to be agreed upon. 4. That both leaders jointly call upon the members of the Parliament and Government to put aside their fruitless squabbles and differences, urging them to unite, placing the supreme interest of the nation above other interests, while appealing to them, for their full cooperation in fulfilling the provisions of this declaration.
5. That the International Community fully supports the efforts to convene the first ordinary session of the Parliament to be held inside the country. The President of the Somali Republic and the Speaker of the Parliament of the TFP, address jointly a vibrant appeal to the Somali people to contribute towards the implementation of self-disarmament, putting to an end to their conflicts and differences using all peaceful means of mutual respect and dialogue.
They also appeal to the International Community to extend an emergency aid to areas and regions of Somalis which are now suffering from severe drought.
The president of Somalia and the speaker of the TFP (Transitional Federal Parliament ), jointly address , on behalf of the Somali people ,deep thanks and gratitude to H.E. Ali Abdulla Saleh for the brotherly role he has displayed in a sincerely effort to solve the protracting crises that the Somali people had been confronted with.
|
WARARKA MAANTA: JAN 5, 2006
- Dowladda Federaalka KMG-ka ah ee Soomaaliya oo UAE uga tacsiyeeysay Geerida Ra'isul wasaarihii Imaaraadka,
- C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan heshiiskii ay shalay wada.saxiixi lahaayeen oo dib u dhac ku yimid.
- Xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo istiqaalad u gudbiyey..
- C/risaaq Max’ed Xalane “waa in laga hor yimaadaa kuwa siyaasadda ku fashilmey…”
- Max’ed Dheere oo si dhaqsi leh ugu laabtey Magaalada Jowhar ka dib.
- Nin u dhashay Wadanka Ciraaq oo ku xiran Xabsiga Mgaalada Jowhar..
- Ra’isul Wasaare Cali Max’ed oo baaq u direy Hayadaha samafalka..
- Xubnaha ku sugan Magaalada Jowhar oo sheegay in uusan waxba soo kordhineyn heshiiska....
C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Khamiista (Jan 5, 2006) Heshiis ku kala saxiixan doona Yemen
Tarjumadii SomaliTalk.com Yemen |
Wararka ka imanaya magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha Dawlada Federaalka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanaka FKMG ay Arbaca (Jan 4, 2006) heshiis kama dambays ah ku gaareen dalka Yemen, heshiiskaas oo ah in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey labada garab ee dawlada (Jowhar & Muqdisho), isla mar ahaantaasna dawlada Kumeelgaarka ah loo raro magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheikh Aaden waxa ay maalmahan wada hadal ku lahaayeen magaalada Cadan ee dalka Yemen.
Waxaa wararaku intaas ku dareen in Madaxweyne C/Laahi iyo Shariif Xasan ay isla gaareen heshiis rasmi ah, heshiiskaasna la saxiixi doono maalinta Khamiista, waxaana saxiixaas goob joog ka noqon doona madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax oo in dhoweydba ku jirey dhexdhexaadinta labada garab ee dawlada FKMG.
Warar dheeraad ah oo ka imanaya dalka Yemen ayaa tibaaxay in heshiiska ka dib kulanka ugu horeeya ee baarlamaanka FKMG ee Soomaaliya lagu qaban doono magaalo aan weli la cayimin, waxaana loo malaynayaa in ay noqon doonto Baydhabo ama Kismaayo.
Dhanka kale waxaa saraakiil reer Yemen ah laga soo xigtey in marka hore ay wasiirada iyo xildhibaanada DFKMG ah ay tegi doonaan magaalada Muqdisho ka hor inta aan madaxweyne Cabdullaahi uusan tegein Muqdisho. Waxaana wararku intaas ku dareen in uu madaxweynuhu sii joogi doono magaalada Jawhar ilaa uu ka xaqiiqsanayo amaankiisa Muqdisho.
Dalka Yemen ayuu isku deyey in uu dhexdhexaadiyo labada garab ee dawlada ee kala joogey Jowhar iyo Muqdisho. Waxaana wararku hadda muujinayaan in ay Yemen uu muuqato in ay ku guulaysatey markaan in ugu yaraan ay isa salaamaan labada hoggaamiye (Jowhar & Muqdisho), kuwaas oo shacabka Soomaaliyed ay ka sugayeen in ay u horseedaan nabad gelyo, colaadana soo afjaraan.
Dowladda Federaalka KMG-ka ah ee Soomaaliya oo UAE uga tacsiyeeysay Geerida Ra'isul wasaarihii Imaaraadka, ahaana madaxweyne ku-xigeenkii.
Ra'isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG-ka ah ee Jamhuuriyadda soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi ayaa Tacsi u diray Dowladda Imaaraadka Carabta iyo shacabkeedaba, isaga oo uga tacsiyeeyay Geerida Ra'isul wasaaraha UAE, islamarkaana ahaa Madaxweyne Ku-xigeenkii Marxuum Shiikh Maktuum Bin Rashiid Almaktuum, oo ku geeriyooday wadanka Australia.
Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Prof Cali Maxamed Geedi ayaa muujiyay sida ay uga tiiraan yeeysan tahay Dowladda Soomaaliya geerida ku timid Ra'isul wasaaraha UAE, waxana uu xusay in uu uga tacsiyeeynayo shacabka iyo dowladaba.
Waxana uu sheegay Prof Geedi in uu ahaa shaqsi ku weyn dalalka Islaamka oo dhan, wax badana ka shaqeeyay sidii loo caawin lahaa u madda soomaaliya, oo ay walaalo yihiin shacabi weynaha Imaaraadka Carabta.
Ra'isul wasaare Geedi ayaa haatan ka hor sidoo kale ka qayb galay tacsidii loo sameeyay hogaamiyihii Imaaraadka carabta oo horaantii sanadkii tagay isna geeriyooday.
Xigasho: Xafiiska Ra'isul wasaaraha, waaxda warbaahinta.
Xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo istiqaalad u gudbiyey..
Warar hoose oo aanu helnay waxay sheegayaan in Shan xubnood oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee dhawaan la magacaabay ay istaqaaladoo-dii u gudbiyeen Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Maxamuud Cumar Tootoow.
Inkastoo aanan helin magacyada rasmiga ah ee shantaa xubnood ayaa waxa ay istaqaaladoodii sabab uga dhigeen kaddib markii kala qaybsanaan xoog leh soo kala dhex gashay xubnaha Golaha Deegaanka gaar ahaan doorashadii Guddoomiyaha, sidoo kale waxa ay sheegeen in doorashadaasi ay sababtay in dib loo soo celiyo isbaarooyinkii yaalay Magaalada Muqdisho qaarkood, kuwaas oo ay sheegeen in ay dhibaato ku hayaan bulshada Soomaaliyeed iyo Gaadiidkaba.
Shantaan xubnood ayaa iyagu horey uga qaybgelin doorashadii Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee khilaafku ka dhashay, waxaana la sheegay in Guddoomiyaha Golaha Deegaanka uu haatan ka fiirsanayo in uu istaqaalada ka aqbalo Golaha Deegaanka. Maalmaha soo socda ayaa la ogaan doonaa cidda ay yihiin shantaa xubnood ee istiqaalada u gudbiyay Guddoo-miyaha Golaha Deegaanka ee Gobalka Banaadir.
C/risaaq Max’ed Xalane “waa in laga hor yimaadaa kuwa siyaasadda ku fashilmey…”
C/risaaq Max’ed Xalane oo ah Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobalka Banaadir waxa uu si aad ah uga hadlay Isbaarooyinka ku soo siyaaday Magaalada Muqdisho oo dhibaatada ku haya Bulshada Soomaaliyeed iyo Gaadiidkaba, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yiri “Waxaan ugu baaqayaa Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobalka Banaadir in ay ka hor yimaadaan kuwa Siyaasadda ku fashilmay, ee diiday 16-sano in maamul loo sameeyo Gobalka Banaadir, iyaguna ay sameystaan hogaan mideysa” C/risaaq oo hadalka sii wata waxa uu intaa sii raaciyay “way dhamaatay xiligii dadka lagu beerlaxowsan jiray hebel iyo hebel baa idinka hor joognaa, dantiina ayaan ka shaqeynayaa iyo ereyo kale oo la mid ah”.
C/risaaq waxaa kalloo uu sheegay in dadka ay leeyihiin waan idinka hor joognaa, waxay sameysteen maamulo dadkoodana waxay ku jiraan nabad iyo barwaaqo, waxaana xaqiiqo ah in ay haboon tahay in la taageero kuwa ay nagu cabsi gelinayaa, sababtoo ah waxay dhiseen maamulo si kastaba ha u shaqeeyeene.
“Weligeed ma aysan dhicin Isbaaro ku saleysan dhib lagana dhigtay siyaasad lagu korkortamo” ayuu yiri C/risaaq oo intaa raaciyay waxay markii hore ka dhiidhiyeen in C/llaaahi Yuusuf iyo xubnihiisa kale ay jabiyeen dastuurkii, waxaa la yaab leh, dastuurkii Gobalka Banaadir ay u degsadeen oo ka koobnaa 31-ka qodob ay maalin cad jabiyeen, taasoo ay macnaheedu yahay in ay yihiin dad aan rabin wax nadaam ah in uu yimaado, ugu dameyntii waxa uu u soo jeediyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Gobalka Banaadir in ay sameeyaan banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan kuwii 16-ka sano ay u afduubnaayeen, oo dhega xumada iyo ceebta ku raray.
Max’ed Dheere oo si dhaqsi leh ugu laabtey Magaalada Jowhar ka dib.
Max’ed Cumar (Max’ed Dheere) oo ah Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe ayaa deg deg ugu soo laabtay Magaalada Jowhar kaddib markii uu labo maalmood ku maqnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kulamo kula soo yeeshay Saraakiil ka socotay safaaradda uu Mareykanka ku leeyahay Dalka Kenya, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday sidii xiriir Iskaashi uu u dhex mari lahaa iyaga iyo Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Dheere oo la xiriira dhinaca waxa loogu yeeray Argagixisada.
Max’ed Dheere waxaa kalloo uu Magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga oo ay isla soo qaadeen sidii Dowladda Talyaaniga ay gacan u siin lahayd Dowladda Federaalka isla markaana ay mashaariic uga hirgelin lahayd Magaalada Jowhar.
Wasiir ku xigeenka ayaa la filayaa in uu maanta soo gaaro Magaalada Jowhar, waxaana haatan Magaalada Jowhar ka socda diyaargarow loogu jiro soo dhaweynta Wasiir ku xigeenka.
Nin u dhashay Wadanka Ciraaq oo ku xiran Xabsiga Mgaalada Jowhar..
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay sheegayan in xabsigaa Magaalada Jowhar uu ku xiran yahay Nin u dhashay wadanka Ciraaq laguna magacaabo Cali Miqdaar Al-Taksiisi.
Ninkaasi oo mudo taban maalmood ah ku jira xabsiga Magaalada Jowhar, ayaa waxaa la sheegay in xaaladdiisa caafimaad laga deyrinayo, lamana garanayo sababaha ninkaasi loo xiray, waxaana wel wel ka muujinaya eheladiisa oo ku sugan Magaalada Muqdisho, waxayan ka codsadeen Hay’adaha Xaquuqda Aadanaha iyo Shacabka Soomaaliyeedba siideynta niknaasi ciyaarqiga ah.
Ciraaqiyiin fara badan ayaa ku sugan dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho, kuwaas xoogoodu soo qaxeen markii uu Mareykanku duulaanka ku qaaday dalka Ciraaq saddex sano ka hor, waxayna isugu jiraan Takhaatiir, Injineero, iyo iyagoo qaarkood Muqdisho ka furtay Maqaayado, waxaana dhowr jeer lagula kacay afduub, iyagoo qaarkood loo gacan geliyay Dowladdu shisheeye kaddib markii la sheegay in ay xiriir la leeyihiin argagixisada balse markii dambe la sii daayay markii lagu waayay wixii lagu tuhunsanaa.
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed oo baaq u direy Hayadaha samafalka..
Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha ee Dowladda Federaalka ee Magaalada Jowhar ayaa waxa loogu baaqay beelaha ku dagaalamaya Gobalka Bakool gaar ahaan deegaanka Tiyeeglow in dagaalkaasi ay joojiyaan wixii khilaaf ahna ay ku xaliyaan wada hadal iyo is afgarad.
Ra’isul Wasaaraha waxa uu sheegay in waqtigaan aan loo baahneyn dagaal iyo iska hor imaad maadaama qaar ka mid ah Gobalada Dalka ay ka jiraa abaaro iyo Biyo la’aan, wuxuu Ra’isul Wasaaruhu u soo jeediyay Hay’adda Samafalka in ay gargaar deg deg ah la gaaraan Gobalada ay saameysay abaaraha iyo Biyo la’aanta.
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi waxa kalloo uu sheegay in Dowladda ay ka go’an tahay in ay waan waan dhex dhigto beelaha ku dagaalamaya Gobalada Bay iyo Bakool, gaar ahaan deegaanka Tiyeeglow, balse waxa uu sheegay in loo baahan yahay in marka hore in Odoyaasha ay kala dhex galaan labada Beelood ee dagaalku dhexeeyo,
Xubnaha ku sugan Magaalada Jowhar oo sheegay in uusan waxba soo kordhineyn heshiiska....
Iyadoo Magaalada Cadan ee dalka Yemen ay heshiis u fadhiyaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxaa soo baxaysa kala aragti duwanaasho ku saabsan xubnaha ku sugan Muqdisho iyo kuwa ku sugan Magaalada Jowhar.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa si hordhac ah loo sheegay in qodobada ay ku heshiiyeen ay sal u yihiin in dhamaan xubnaha Dowladda ay isugu yimaadaan casimada dalka ee Muqdisho, in Madaxweynuhu uu ka tanaasulo ciidamada shisheeye ee dalka la keenayo, in xal loo heliyo xubnihii la magacaabay iyo kuwii xilka laga qaaday intii uu jiray khilaafka Dowladda iyo in talaabo kastoo oo ay Dowladu qaadeyso laga ansixiyo Baarlamaanka, iyadoo taas bedelkeedana uu codsaday Madaxweynuhu in inta laga xasilinayo Magaalada Muqdisho uu isagu sii joogi karo meel ka baxsan Magaalada Muqdisho taas oo Guddoomiyaha Baarlamaanka sida wararku sheegayaan uu soo dhaweeyay.
Iyadoo ay sidaas tahay ayaa Xubnaha ku sugan Magaalada Jowhar waxay siyaabo kala duwan uga hadleen heshiiskaas, gaar ahaan tanaasulka uu Madaxweynuhu ka sameeyay tegintaanka Magaala-da Muqdisho, iyadoo Wasiirka Dastuurka iyo Federaalka KMG ah Cabdalla Deerow Isaaq oo la wareystay uu sheegay in uunsan ka warqabin wax heshiis oo ay gaareen labada Mas’uul, waxa uuna sheegay in aysan iyagu diyaar u ahayn in Magaalada Muqdisho ay xiligaan tagaan, waxa uu sidoo kale sheegay in haddii Guddoomiyaha Baarlamaanka haddii uu tanaasulayo looga baahan yahay in uu shirka Baarlamaanka uu ku guddoomiyo Magaalada Jowhar.
C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan heshiiskii ay shalay wada.saxiixi lahaayeen oo dib u dhac ku yimid.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo maalinti doraad ahayd heshiis ku gaaray Magaalada Caddan ee dalka Yemen, ayaa xafladdii heshiiskaasi ay ku saxiixi lahaayeen maalintii shalay ahayd uu dib u dhac ku yimid, kaddib markii ay siyaasadaasi codsatay Dowladda Yemen oo iyadu dooneysay in heshiiskaasi ay goob joog ka noqdaa dalalka Deeqda Bixiya, Mareykanka, kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya iyo Dowladaha deriska la ah Soomaaliya, waxaana heshiiskaan ay xafladdiisu dhaceysaa maanta oo Khamiis ah saacaddu markay tahay 1-da Duhurnimo ee Waqtiga Yemen, iyadoo maalintii shalay ahayd Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka ay ka qaybgaleen xaflad qado ahayd oo ay soo qaban-qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Yemen. Heshiiska ay wada gaareen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa si weyn looga soo dhaweeyay gudaha dalka, waxaana lagu tilmaamay mid soo afjaraya khilaafkii Dowladda Ragaadiyay kaasoo keenay in ay Dowladdu ay kala degto Magaalooyinka Muqdisho iyo Johwar, waxaana heshiiskaan soo qabanqabiyay Dowladda Yemen waana markii labaad oo ay labada Mas’uul ee ugu sareeya Dowlada Federaalka ay isugu keento, iyadoo bishii Juun ee sanadkii hore ay ahayd markii ay is arkeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan.
W/D c/laahi shiiq mohamed c/laahi asir Email shaaruu52@hotmail.com
Faafin: beach.20m.com | Jan 6, 2005
Insert text information about the links or groups of links shown below and their relation to your site. These links may include other companies web sites that you are affiliated with or that offer products and services that complement those that you offer. It is a good idea to exchange links with other sites that receive traffic from individuals that would likely be interested in your products and services also.

Kumanaan Soomaali ah oo Bannaanbax ku Dhigay Columbus, Ohio.
 Dhawr kun oo Soomaali ah oo ka caraysan dilkii marxuum Naasir Cabdi ayaa isugu Jimcadii December 30, 2005 isugu soo baxay xarunta dawlada ee City Hall ee magaalada Columbus, Ohio.. Isha sawirka: abcnews
 Kumannaan Soomaali ah oo bannaanbax ku dhigay Colubus, Ohio.. Isha Sawirka: dispatch.com
 Nasir Abdi HALKAN KA DAAWO WARKA TELEFISHANKA ONN... | isha sawirka ONN
|
Sabti Dec 31, 2005: Soomaali lagu qiyaasay kumanaan ayaa Jimcada December 30, 2005 bannaanbax ku dhigay xarunta dolwada ee City Hall, Columbus, bannaanbaxaas oo ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin ugana caraysan yihiin dilkii uu sarkaal boolis ah uu toogashada ku diley Naasir Cabdi oo ahaa 23-jir Soomaali ah oo sida qoyskiisu sheegeen madaxa ka xanuunsanaa.
Soomaalida halkaas isugu timid waxay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid yihiin "waxaan rabnaa caddaalad" iyo erayo kale oo caro ah oo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin dilkii marxuum Naasir Cabdi oo sarkaal boolis ah uu toogashada ku diley.
Liibaan Ismaciil oo u hadlayey dadka bannaanbaxayey ayaa yiri "waxaan rabnaa in runta bannaanka la soo dhigo", sida ay werisey shabakada ABC NEWS oo soo xiganeysey hay'adda AP.
Bashiir Maxamuud oo ah 23-jir ah dhigta Jaamacada Ohio State University ayaa yiri waxaan bannaanbaxan uga soo qayb galay waayo ma ahayn in Naasir Cabdi uu sidaas u dhinto.
Dad arkaayey markii boolisku tooganayeen marxuum Naasir Cabdi ayaa sheegay in marxuumku uusan wadan mindi, halka boolisku sheegeen in uu mindi la soo baxay sidaas awgeedna ay u toogteen.
Wararka Columbus Ohio ayaa tibaaxay in saraakiisha Boolisku ay qorshaynayaan in ay la kulman jaaliyadda Soomaalida Ohio.
Halkan ka daawo Video Soomaalida oo Bannanbaxaysa...
Warkii dilka Marxuum Naasir Cabdi hoos ka akhri.
Wiil Soomaaliyeed oo ay Toogasho Ku Dileen Booliska Columbus, Ohio
Warka dilka Marxuumka hoos ka akhri:
 Marxuum Naasir Cabdi oo ay Soomaalidu aasayaan. Waxaa aaska marxuumka isugu yimid in kabadan ilaa 60 Soomaali ah, sida ay werisey jariidada Columbus dispatch | isha sawirka Dispatch
|
USA: Dec 29, 2005: Nin ayaa lagu diley xaafadda Cassady Village Trace oo ku taal woqooyig amagaalada Columbus, Ohio, laakiin ninkani ma hub ayuu haystey markii saraakiisha booliska ee degmada Franklin ay toogtey? sidaas waxaa is weydiiyey Telefishanka ONN [Ohio News Now]. [HALKAN KA DAAWO WARKA TELEFISHANKA ONN...]
Waxaa warku intas ku daray in saraakiisu ay waraaqo maxkamadu soo dirtay uu u wadeen Nasir Abdi oo 23-jir ah, si uu Naasir ugu laabto qaybta dadka maskaxda looga jiro.
Markii ay heleen Naasir Cabdi, saraakiisu waxay yiraahdeen waxa uu lasoo baxay mindi.
Saraakiisii waxay kaddib adeegsadeen sunta dadka kaga ilmaysiisa, laakiin ma ay shaqayn, markaas ayaa sarkaalka magaciisa la yiraahdo Jason Evans uu xabad ridey kuna diley Naasir Cabdi, sida uu sheegay Telefishanka Ohio.
Qof arkayey sida arrintani u dhacday ayaa yiri ma arkin wax mindi ah, waxana uu qofkaasi toogashadashaad ku tilmaamay mid aan wax cudurdaar ah haysan iyadoo la ogaa xaalada maskaxda ee Naasir Cabdi, iyo weliba in saraakiisu ay arrintas ogaayeen.
Ayaan Maslax waxay tiri, "Boolisku waxay adeegsan lahaayeen hab kale oo ay ku joojiyaan ama kula hadlaan qof maskaxda looga jiro."
Waraaqaha maxkamadu waxay muujinayaan dembiyo hore oo uu galay Nasir, ayuu yiri Telefishanku.
Qoyska marxuumku waxa ay sheegeen in Naasir Cabdi dhowaan laga soo saaray qaybta dadka maskaxda looga jiro oo uu saddex toddobad joogey guri, laakiin uu joojiyey in uu daawadiisii qaato oo uu bilaabay in uu u dhaqmo nooc kale. Waxana ay ku dareen weligiis ma ahayn qof faldembiyeed sameeya.
Waxaa warka Telefishanku intaas ku daray in boolisku ay baaritan ku samaynayaan sidii dilkasi u dhacay oo ay ku ogaanayaan in sarkaalka toogashada geystey uu uu haystey cudurdaar iyo in kale.
Marxuum Naasir Cabi khamiistii (Dec 29) ayaa lagu aasay qubuuraha Riverside Cemetery ee magaalada Columbus Ohio
Tarjumadii SomaliTalk.com | Columbus, Ohio | Isha: http://www.ohionewsnow.com | http://www.dispatch.com Faafin: Dec 29, 2005 | Updated: Dec 30, 2005
Wararkii hore ee Soomaalida Lagu Laayey Qurbaha::::
March 2002: Police-ka Minneapolis oo Toogtay Nin Soomaali ah
Dec 23, 2005: Ciidamada yemen oo Rasaas ku Furay Qaxooti Soomaaliyeed... Guji
Dec 10, 2005: Minneapolis: Hooyadii Soomaaliyeed ee Gaariga La Jiirsiiyey oo u Geeriyootey Dhaawacii
Habeenimadii Isniinta (Dec 13) ayey Luul Ibraahim u geeriyootey dhaawacii uu u geystey gaarigii la jiirsiiyey.
Waxay ahayd xilli fiid ah (maalinadii Khamiista habeenkii Jimcadu soo geleysey) markii ay Luul isku dayday in ay joojiso tuug kaxaysanayey gaari ay leedahay Luul walaasheed, kaddibnauu tuugii gaarigii jiirsiiyey marxuumad Luul, Allah ha u naxariistee, dhaawacii soo gaarey oo ahaa dhaawac madaxa ah ayaa markiiba la geeyey Cisbitaal halkaas oo lagu sameeyey Qalliin maskaxda ah, dhaawacaas ayey u geeriyootey habeenimadii Isniinta.
Tuugii falkaas geystey waxa uu la cararay gaarigii, inkasta oo markii dambe la helay garigii, laakiin ilaa hadda lama helin tuuga geestey falkaas. Waxaana lagu baaqay in oo doolar la siin doono qofkii soo sheega akhbaar booliska u suurta gelisa in tuugaas la qabto, lacagtaas oo markii hore ahayd hadda waa la kordhigey oo waxaa laga dhigay .
Warkii hore ee sida gaariga loo jiirsiiyey marxuumad Luul Ibraahim.... Guji...
Nin Ganacsade Soomaali-yeed ah oo lagu diley Koofur Afrika ..
Dec 2, 2005: Nin ganacsato soomaali-yeed ah ayaa lagu dilay wadanka K/Afrika gaar ahaan Magaalada Biritooriya kaddib markii ay soo weerareen kooxo burcad ah oo ku hubeysnaa Bistoolado.
Ninka la dilay oo si weyn looga yaqiinay wadanka K/afrika ayaa lagu magacaabi jiray C/raxmaan Max’ed Xasan (Arbacow), waxaana dilkiisa si weyn u uga xumaaday bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka K/afrika oo iyagu waayadaanba lagu hayay dilal jooto ah.
Ninkaan ayaa waxa uu wadanka K/afrika ku sugnaa muddo sanad ah ilaa iyo haddana lama garanayo sababihii loo dilay ninkaasi, iyadoo sanadkaan keliya wadanka K/afrika lagu dilay ilaa iyo dhowr iyo sodon qof oo Soomaali ah oo badankood lagu weeraray xarumo ganacsi ah oo ay ku lahaayeen wadankaasi.
Qore: Amiin Yuusuf Khasaaro | Email amiinkhasaaro@hotmail.com
Wiil Soomaaliyeed oo La Toogtey Asagoo Dhex Fadhiyey Gaari Taagan Meel Gaaska Laga Qaato oo ku yaal Magaalada St.Paul, Minnesota, USA...
 Meesha lagu Diley Wiilka Soomaaliyeed | BP Gas Station , St.Paul | Sawirka: SomaliTalk.com | Aug 26, 2005 |
(SomaliTalk.com | St. Paul, MN | Aug 26, 2005): Habeenimadii xalay markii ay saacadu ahayd 11:15pm ayaa toogasho lagu diley wiil Soomaaliyeed oo da'diisu ahayd 19-jir. Waxa uu Wiilkaasi dhex fadhiyey gaari taagnaa meel gaaska laga qaato (BP Gas Station) oo ku yaal wadada Lexington oo u dhow meesha looga baxo wadada Highway I-94 oo dhex mara magaalooyinka mataanaha Minneapolis/St.Paul ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.
Kaddib markii warka kusaabsan dilka wiilka uu soo gaarey SomaliTalk.com, ayaa waxaan telefoon kula xiriirnay qoyska uu wiilka ka geeriyoodey, Taxiya Maxamed oo ah gabar ay walaalo yihiin wiilka geeriyoodey waxay SomaliTalk.com u sheegtay in: Wiilka walaalkay ah ee ladiley magaciisa waxaa la oran jirey Maxamed Maxamuud Maxamed. Waxana ay intaas ku dartey in afar wiil oo Soomaali ah (Walaalkeed iyo saddex kale) oo dhex fadhiya gaari ay wateen oo taagnaa meel gaaska laga qaato in xabbad aan la garanayn cidda soo ridey in ay haleshay walaalkeed, uun au geeriyoodey dhaawacii xabadas isla xalay.
Waxaa dhici karta in marxuumka la aasi doono berri (Aug 27).
 BP Gas Station: Meesha wiilka Soomaaliyeed lagu toogtey::
Daawo Halkan.. | Channel.5
 Saiwrka: WCCO.4 |
TV-ga WCCO.4 waxa uu sheegay in wiilkaas oo dhex fadhiya gaariga ayaa qof inta uu xagga dhabarka ka soo maray gadaal ka toogtey, taas oo marxuumka ay ugu yaraan hal xabad ku dhacday, kaddibna loo qaaday cisbitaalka Regions Hospital, halkaas oo uu ku geeriyoodey.
Boolisku markii ay yimadeen waxay goobtii dilku kadhacay joogeen saacado si ay u ururiyaan xog ku saabsan dilkaas.
TV-ga Channel.5 waxa uu sheegay in marxuum Maxamed Maxamuud Maxamed aysan jirin wax dembi ah oo uu hore u galay (wax fal dembiyeed ah kama oolayn booliska). Waxana uu TV-gu intaas ku daray in Ilaa hadda aan lahayn ama la garanayn cidii dilka geysatey, lamana garanayo ujeedada dilka. Waxaana boolisku uu dadweynaha ugu baaqay in qofkii arrinta dilkaas war u hayaa uu lasoo xiriiro booliska.. Warkii Channel.5: Ka Daawo Halkan...
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Minnesota waxay qoyska uu wiilkaas da'da yari ka geeridooy Allah uga baryayaan in uu samair iyo iimana ka siiyo, marxuumkana Allah u naxariisto.
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 26, 2005
Laba Dhallinyaro Soomaaliyeed oo Lagu Diley Toronto:::
- Looyaan Ahmed Jilicow, 23-jir, waxa uu dhigan jirey jaamacad ku taal Toronto, sannadkii saddexaad ayuun ku jirey
- Cali Maxamuud Cali, ay da'diisu ahayd 19-jir, waxa uu dhowaan ka soo laabtay Vancouver si uu uga qayb galo arooska saaxiibkiis.
 Meydkii marxuum Loyan Ahmed Gilao, 23-jir oo lag asi qaadayo masjidka Khalid Bin Al Waliid si loo aaso| Sawirka: The Star.
 Maxamed Jilicow oo ah aabaha marxuum Looyaan oo nin ehelka ah uu garabka hayo | Looyaan iyo saxiibkiis waxaa la diley Aug 8, 2005 | Sawirka: Toronto Sun
|
Halkan ka daawo::: Warka ku saabsan dilka iyo aaska labada marxuum
DAAWO::: Duqa Magaalada Toronto oo ka hadlay arimaha dilalka ee ka dhaca Toronto
Sida ay uu weriyeye telefosshanka dalka Canada ee CBC labada dhallinyada Soomaaliyeed ayaa lagu diley magaalada Toronto ayagoo ka soobaxay Aroos, rasaas ayaa la iskaga furay ayagoo aan cidna gardaraysan, qofka rasaasta furayna aan la garanayn. Hoos ka akhri magacyadooda iyo tacsida, Aaskii iyo warbixin koobana ka Daawo halkan..
Tacsi:::
Inaa lilaah wa inaa ileyhi raajucuun, Allahuma laa taxrimnaa ajrahum walaa taftinaa bacdahum, waqfirlana wa lahum.
Waxaan halkaan uga tacsiyeynayaa saaxiibkey Maxamed Jilocow (tennis) oo curudkiisa Loyaan Axmed Jilocow iyo saaxiibkiis Cali Maxamud Cali lagu toogtay magallada Toronto bishan August 8, 2005 ayagoo ka soo baxay xaflad aroos ah oo saaxiibkood oo lagu qabtay down town Toronto. Marxuumadas waxaa dilay ruux aan la garaneyn oo xabad iskaga furay markey baabuurkooda galaayeen asagoonba la hadlin.
Marxuum Looyaan oo ahaa ardey jaamicadda sanadkii sedddexaad ee commerce Jaamicadda York university allaah ha u naxariisto. Cali Maxamud Cali waxa uu dhowaan u guurey magaalada Vancuover , waxan auu Toronto ugu soo laabtay arooska saaxiibkiis. Wallidiint
lasoco meel waliba aad dunida ka joogto bogaan
|
 |
    
|
 |
shaaruu52@hotmail.com
shaaruu52@hotmail.com
shaaruu52@hotmail.com
shaaruu52@hotmail.com
Ardaydii ugu Horaysay oo ka qalin jabisa Jaamacada Bariga Afrika oo la gudoonsiiyay Shahaadadii, Dhisme Cusub oo ay leedahay Jamacada Bariga Afrika oo la Furay iyo u diyaar garaw loogu jiro Soo dhaweynta Madaweynaha DFKG Soomaaliya iyo Raysal Wasaraha DFKG Soomaaliya.
- SomaliTalk.com | Boosaaso | Dec 19, 2005
 Kulliyada Cusub ee laga dhisay Jaamacada Bariga Afrika ee Boosaaso

 Ardaydii Qalinjabinaysay oo Fadhida. |
 Qaar kamid ah Gabdhahii Jaamacada ka qalinjebiyey
 Arday aad u da' yar oo kasoo Qaybgalay Xafladhii Qalinjabinta. |
Waxaa Caawa lagu gudoonsiiyay Shahaadooyin Jaamacada Bariga Afrika Ardaydii ka Qalin jabisay Jaamacad Bariga Afrika ee ugu horaysay Shahaadooyinkaa ayaa waxaa Gudoonsiiyay Madaxweynaha DGPL Gen: Maxamud Muuse Xirsi (Cade).
Xaflada Qalin jabinta oo ahayd mid aad u qurxoonayd ayaa waxaa ka soo Qayb galay Safiirka Jaamacada Carabta ee Soomaaliay Cabdala Mubaarak, Safiirka Dalka kenya ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afay, WAkiilka UNDP Soomaaliya Maxwell Gaylard , Qaar ka mida Wasiirada DGPl iyo Wafuud ka kala socota Jaaliyada Dibada
Madaxweynaha ayaa waxa uu xariga ka jaray Dhisme Cusub oo ay dhistay hay,ad Kuwait ah kaasoo loogu tala Galay in ay wax ku dhigtaan Kuliyada Dhaqaalaha iyo Kuliyada Computarka.
Xafladaa ayaa waxaa ka hadlay Hormuudka Kuliyada Waxbarshada Muxidiin Cali oo ka warbixiyay dhibka ay jaamacada ku bilaabatay iyo hada heerka ay marayso, Waxaa kaloo ka hadlay Arday ku hadlaayay Magaca Ardayda qalin jabinaysa , waxaa kaloo ka hadlay Safiirada Jaamcada Carabta, Dalka kenya iyo Wakiilka UNDP oo intaba balan qaaday in ay Caawin doonaan Jaamacada Bariga Afrika Boosaaso, Waxaa kale oo ka hadlay Beeldaaje Faarax oo ku hadlaayay Magaca Hogaamiye Dhaqameedyada
 Beeldaaje Faarax oo ka hadlaya xaflada
 Madaweynaha oo Gudoonsiinaya Shahaado Arday kamida Ardaydii ka Qalinjabisay Kuliyada Sharciyada. |
 Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika Dr. Cabduqaadir oo kahadlaya Xafladii
 Ingineerada Dhisay Kuliyada Cusub |
Guud ahaan Xafladii ayaa Waxa ay ku dhamaatay Jawi aad u wanaagsan.
Dhanka kale waxaa aad loogu diyaar garoobayaa soo dhaweyntii Madaweynaha DFKG Soomaaliyeed iyo Raysalwasaaraha DFKG Soomaaliyeed oo lagu wado in ay yimaadaan Puntland u diyaar garowgaa ayaa waxaa waday Dowlada Hoose Boosaaso.
 Madaxweynaha DGPL Gen.Cade oo kahadlay Xaflada
 Muxidiin oo ah Hormuudka Kuliyada Waxbarashada Jamacada BarigaAfrika oo warbixinta jaamacada soojeediyay |
 Madaxweynaha DGPL oo Xariga kajaraya Dhismaha Kuliyada Cusub ee Jaamacada Bariga Afrika Boosaaso
 Gudaha dhismaha cusub ee Jaamacada |
SomaliTalk.com | Boosaaso | Dec 19, 2005
XAFLAD DHAQAALE URURIN JAAMACADDA HIIRAAN OO LAGU QABTAY LONDON
London (UK) | Dec 18, 2005
Waxaa lagu qabtay magaalada London xaflad ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen dadweyne aad u fara badan oo isugu jiray qeybaha bulshada ku nool London iyo nawaaxigeeda. Xafladaas oo kuwa ceynkeeda oo kale ah hore loogu qabtay woqooyiga qaaradda Ameerika, ayaa waxaa dhaqaale loogu ururinayey Jaamacadda Hiiraan.
Iyadoo xafladu ka dhacday bartamaha magaalada London oo si heer sare ahna loo soo abaabulay ayaa waxaa xiriiriye ka ahaa Dr. Hashim Ducaale, waxaana ugu horeyntii halkaa ka soo jeediyey Aayado Qur’aanka Kariimka ah iyo wacdi ku saabsan sadaqada jaariga ah iyo sida ay diinteenu uga hadashay Xaaji Cali Carab, waxaana markaa hadalkii qaatay madaxa laanta afka soomaaliga ee idaacadda British Broadcasting Corportaion Yuusuf Garaad Cumar oo xusay taariikh nololeedkiisii iyo waxbarashadii uu ku soo qaatay gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Buula Burte, wuxuuna sheegay mashruuc sidan u weyn uu soo kordhin karo aqoonta jiilka soo koraaya ka sokow kobcinta nabadda guud ee gobolka, Yuusuf wuxuu kaluu carrabka ku dhiftay warbxintii ugu dambeysay ee Unicef ee waxbarashada Soomaaliya taasoo ku cadeyd in dalku yahay kan ugu hooseeya dhinaca waxbarashada adduunka oo idil. Waxaa ka dibna hadalkii qaatay Dr. Nuur Cadde oo ka tirsan Bisha Cas ee Soomaaliya oo isna ka warbixiyey guud ahaan hay’addu waxa ay ka qabato dalka Soomaaliya iyo gaar ahaan gobolka Hiiraan isagoo aad u faah-faahiyey mashaariicda kala gedisan ee ay ka wado Bisha Cas gobolka iyo degmooyinkiisaba wuxuuna sheegay in ay gacan ku leeyihiin kuna yeelanayaan mashruucan jaamacadda iyo kuwa kaleba.
Waxaa xiriiriyuhu hadalkii markaa uu siiyey Dr. Maxamuud Maxamed Guure oo ka hadlay muhiimadda nabadu u leedahay nolosha bani’aadamka iyo sida la’aanteed aan waxba loo qabsan Karin, wuxuuna ku baraarujiyey reer Hiiraan in ay gacmaha isqabsadaan meelna ay uga soo wada jeestaan sidii ay xididada ugu adkeyn lahaayeen nabadda uguna wada gunta lahaayeen mashaariicda horumarineed.
Wasiiru dawlaha dib u dejinta DFKMG Xildhibaan Ibraahim Xabeeb ayaa isna halkaa ka soo jeediyey hadalo ay u riyaaqeen ka soo qeyb galayaashii xaflada wuxuuna aad ugu celceliyey sida ay uga go’an tahay dadka gobolka in ay wax qabsadaan mashruucanna laga dareemi karo sida ay diyaarka ugu yihiin ka qeyb qaadashadiisa.

Prof. Ibraahim Maxamed Biriq oo wax ka dhigi jiray kulliyadda Jiyolojiyada ee Jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed ayaa isaguna ka hadlay waxbarashada aasaasiga tan dhexe iyo midda heerka sareba, wuxuuna xusay fursadii waxbarashadii oo ay heleen jiilalkii hore iyo sida loogu baahan yahay in kuwanna loogu dhiso mustaqbal hagaagsan. Dr.ssa Saciida ayaa iyadana ka hadashay kaalinta haweenka ee waxbarashada iyo iyada oo ku hadleysa magaca hooyooyinka sida ay hooyada ula weyn tahay waxbarashada ubadka.
Intaa ka dib waxaa microfonka lagu soo dhaweeyey Prof. Axmed Muumin Warfa oo ka yimid dalka mareykanka dadkii xafladda joogayna ay aad u sugayeen hadaladiisa. Professorka oo sida in badan oo taqaana ay ogyihiinba wuxuu wax ka dhigi jiray kulliyadii Beeraha ee JUS, waa nin sayntiste ah cilmiga botaanikadana ka dhiga jaamacada Utah (USA), noocya geeda ah oo jinsiyadooda uu helayna isaga loogu magacdaray, waana nin kaftan badan oo hadal debecsan dadka dhegahoodana aad u soo jiita. Prof. Warfa wuxuu ka warbixiyey sida ay fikradda Jaamacadda Hiiraan ay ku bilaabatay heerarkii ay soo martay iyo xaaladda maanta meesha ay mareyso, wuxuuna aad farta ugu fiiqay sida aqoonta loogu baahan yahay iyo in ay iyadu nabadda saldhig u tahay, Prof. warfa wuxuu hoosta ka xariiqay in jaamacadani laga dhisayo Beledweyne – Hiiraan, balse ay tahay jaamacad soomaaliyeed oo ay wax ku baran doonaan arday soomaaliyeed.
Intaa kadib waxaa la guda galay lacag uruurintii, dabadeedna halkaa ayaa lagu casheeyey, waxaana gebagebadii hadal mahadnaq ah ka soo jeedisay halkaa Avv. Caasha Kiin Faarax Ducaale oo homuud u ahayd guddigii qabanqaabada barnaamijka.
Ugu dambeyntii waxaa xusid mudan in reer London ay ugu deeqeen Jaamacadda Hiiraan lixdan kun oo geniga sterliinka ah oo u dhiganta US$ 100.000.
Maalintii axada oo ee taariikhdu ahayd 18/12/05 ayaa xaflad deeq ururin Jaamacadda Hiiraan loogu qabtay magaalada Birmingham ee dalka UK
hotmail-52@hotmail.com
Hay’adda CRD oo qabatay dood ku saabsan doorka Bulshada Rayidkaa ee xoojinta dadaalada wadatashiga iyo Nabadda...
Maalintii shalay ahayd ayaa Hotel Ambassador waxaa lagu qabtay dood cilmiyeed ku saabsan doorka Bulshada rayidka ah ee xoojinta dalaadda wadatashiga iyo nabadda waxaana soo qaban-qaabiyay Hay’adda wadatashiga iyo cilmi baarista Soomaaliyeed ee (Centre For Research And Dialogue), waxaana doodaasi ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee buslahda, waxaana ugu horeyntii halkasi hadal ka soo jeediyay Jibriil Ibraahim Cabdule oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Hay’adda CRD, wuxuuna dulmar ku sameeyay xalaadda guud ee dalka, ee dhinaca nabadeynta, wuxuuna sheegay inta badan Gobalada qaarkood ay haatan ka jirto nabad buuxda, isagoo sheegay in mararka qaarkood ay dhacaan dagaalo inta badan ku saleysan daaqsin biyo.
 Jibriil
 Odawaa
 Prof.Cali C/raxmaan |
 Max'ed Faarax Jimcaale.
 Maxamed Faarax Siyaad
 Prof.CaliCraxmaan, Prof,Caastaro iyo Max_edFarax |
Intaa kaddib waxaa la daawaday Filim ka hadlaya qaabka nabadeynta iyo dib u heshiisiinta looga sameyn karo dalka, qaabka la isugu celin karo hantida, qaabka loo dhigi karo hubka iyo qaabka loo kobcin karo ganacsiga, waxaana soo qabanqaabiyay filimkaani oo isku soo dubariday Hay’adda CRD.
Max’ed Faarax Siyaad oo ka mid ahaa ka qaybgalayaashii shirka ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in arrimaha maamul u sameynta Gobalka Banaadir la isku oso jiidjiido gaar ahaan dhinacyada isku haya, in la iska dhaafo Qabiilka oo uu sheegay in uu yahay midka maanta meesha xun na dhigay iyo in bishii bulshada raydika ahi labo jeer banaanbaxyo sameyso, oo ay ku cabirayaan arrimahooda, waxaa kalloo halkaasi ka hadlay Cali Iimaan Sharmaake oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay muhiimad gaar ah ugu fadhido Dowladdu, iyo in wixii Dowladda ka qaldama loo baahan yahay in ay saxaan Bulshada rayidka ah.
Xubnihii kale ee halkaasi ka hadlay, waxaa ka mid ahaa Abuukaato Cumar Dhegeey oo sheegay in Bulshada rayidka ah ay door muhiim ah ku leeyihiin nabadeynta, dib u heshiisiinta, hub ka dhigista iyo hanti isku celinta loona baahan yahay in ay marksata u howlgalaan, waxaa kalloo ka hadlay Abuukaato Ciise waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in bulshada rayidka ah ay farta ku fiiqdo cidda gardaran oo runta loo sheego.
Cismaan Muxiyadiin Shaatax ayaa isna waxa uu sheegay in shirkii dib u heshiisiinta ahaa ee lagu qabtay dalka Kenya uu ahaa mid siyaasadeed ee uusan ahayn mid shacabku lahaa, isagoo sheegay in loo baahan yahay in bulshada rayidka ah ay cadaadi ku saaraan Dowladda sidii ay u heshiin lahayd.
Cumar Dheere, ayaa waxa uu isna sheegay in awoodii Soomaaliya ku soo uruurtay farta, oo uu ula jeedo Keebka (Qoriga), wuxuuna sheegay in looga bixi karo iyadoo hub ka dhigis la sameeyo sharcigan dib loo soo celiyo.
Maxamuud Cali Ugaas oo isna ka hadlay dood cilmiyeedkaasi ayaa waxa uu sheegay in bulsha rayidka ahi ay ku nooshahay Magaalo go’doonsan oo uu sheegay in ay raali ka noqdeen in Magaaladaa go’doonsan ku noolaadaan, wuxuuna soo jeediyay in la sameeyo guddiyo bulsho rayid oo u howlgala nabadeynta wadanka iyo Gobalka Banaadir, waxaa kalloo hadalkii qaatay Saalax Shiikh Ibraahim oo isna sheegay in mushkilada Soomaaliya haysata ay tahay hogaankii oo ka qaldamay, loona baahan yahay in bulsha rayidka ah ay u howlgasho sidii loo heli lahaa maamul toosan oo caddaalad ku saleysan.
Max’ed Faarax Jimcaale ayaa waxa uu isna sheegay in ninkii aan xaadir u ahayn dhibaatada Soomaaliya ama goob-joog ka ahayn uu yahay qof doqon ah, wuxuuna sheegay in xalka ay keeni karaan dadkii dhibaatadaasi ku dhex sugnaa, isagoo sheegay in arrimaha Gobalka Banaadir lagu xalin karo iyadoo marka hore la wada hadalsiiyo Ragga ugu sareeya.
Prof. Cali C/raxmaan ayaa waxa uu rajo xumo ka muujiyay Dowlada Federaalka in ay dib u heshiiyo waayo ayuu yiri “16 bilood ayay rajo beel na dhigeen kamana muuqato in ay dib u heshiiyaan, waxaana mid walba uu doonayaa in kan kale uu qiyaaneeyo ama uu boobo”.
Xabiibo Xaaji Jimcaale ayaa waxa ay sheegtay in bulshada rayidka ah ay mararka qaarkood u fariistaan ama u doodaan Jowhar iyo Muqdisho, waxaan dhihi karaa dhex dhexaad kama ahan is haysiga Dowladda sidoo kale waxa ay cannaantay Saxaafadda oo ay sheegtay in ay tahay mid sii hurineysa sidii la isigu keeni lahaa Dowlada Federaalka, waxay kalloo Xabiibo ay hoosta ka xariiqday in Qof damiir leh uusan ku jirin Dowladda, waayo mar hore ayuu Istaaqaladiisa soo gudbin lahaa uuna dhihi lahaa “Meeshaan wax kama soo socdaane xilkii waan iska casilay:.
C/raxmaan Max’ed Xuseen (Odowaa), waxa uu mushkiladda Soomaaliya ku sheegay in ay tahay mid ka timid dibadda isagoo sheegay in Bulsharada Rayidka ah ay mar kasta xooga saaraan gudniinka FIRCOONIGA ah iyo AIDS-ka, isagoo sheegay in bulsharada rayidka ah looga baahnaa dhinaca nabaddda iyo dib u heshiisiinta waxaa kalloo uu sheegay in qabiilka laga cabaanaayo xalka laga raadso mararka qaar, waayo wadamo badan sida Imaaraadka Carabta, waxaa lagu dhisay qaab Qabiil, Sucuudiga waxaa lagu dhisay Qabiil, Lubnaan Qaab Diineed, waxaa kaloo uu soo qaatay Dowladda Yemen oo uu sheegay in iyadoo dowladi jirto ay haddan shacabku hubka ku haystaan guryaha. Waxaa kalloo ka hadlay Suldaano Max’ed oo sheegtay in bulshada Rayidka ah ay ka qaybgaleen shirkii Nairobi balse waxay sheegtay in ay ka xishoodeen in ay Qabiil ku yimaadaan. Waxaana doodaan qaybinayay Dr. Xasan Shiikh C/llaahi, waxaa soo xiray Jibriil Ibraahim Cabdule.
Xaflad Hub ka Dhigis ah oo Lagu Qabtay Boosaaso
SomaliTalk.com | Bosaso
Hay'ada UNDP oo ka waday mashruuc hub ka digista Gobolada Puntland ayaa Arbacadii December 28 xaflad ay ku gudoonsiinayso Aqoonsi ay ku qabatay hoolka Machadka Maamulka iyo Maareenta. Xafladaas oo ay kaga ururinayso Hubka Ciidamo ka tirsan Maamulka puntland Ciidamadaa ayaa ka kala tirsanaa Ciidanka Daraawishta iyo Ciidanka Booliska oo sida uu sheegay Xiriiriyaha Mashruuca Hub ka dhigista UNDP Garoowe Maxamed Saalax ay ka codsadeen Maamulaka Puntland in lagu kala yareeyo Ciidamada oo ay Mushaar u hayn, Xaflada Mashrucaan oo ay ka soo Qayb galeen Madax ka kala socotay Maamulka Degmada iyo Gobolka ayaa ahaa mid looga dhigayo Hubka oo loo samaynayo Shaqo ay ku shaqeystaan Ciidamadaa la dhaqan celiyay.
Xafladii markii ay dhamaatay kadib ayaa waxaa ay madaxdii ka socotay iyo Maamulka Gobolka iyo Dagmada ay booqosho ku tageen Macadka Farsamada Gacanta si ay u eegaan in uu ka qayb qaadan karo Tababarka Farsamada Dadka Hubka laga Dhigay.
Madaxweynaha DFKMG oo uu Weheliyo Madaxweynaha DGPL oo u ambabaxay yemen
SomaliTalk.com | Bosaso
Madaxweynaha DFKG Soomaaliyeed iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo uu ka mid yahay Madaxweynaha DGPL, Wasiiro ka kala socda DFKG Soomaaliyeed iyo DGPL ayaa Arbacadii Dec 28 u kicitimay Dalaka Yaman abaaro 12:30 Duurnimo.
Madaxweynaha DFKG Soomaaliyeed Col: Cabdulaahi Yuusuf oo saxaafada la hadlaaya ayaa u sheegay in ay ka qayb galayaan shirka isbahaysiga Sanca oo ay isugu imaanayaan Madaxweynayaasha Dalalka Yaman, Suudaan, Ethiopia, Jabuti iyo Soomaaliya.
Safarka madaxweynaha DGPL Gen: Cade Muuse ayaan la cadyn waxa uu ku saabsan yahay iyadoo hore uu u sheegay in uu tagi doono Safar Dalka Emaraadka lakiin uu hadda ka qayb galay Safarka uu ku tagayo Madaxweynaha DFKG Soomaaliya oo u kici timay Dalka yaman. Warar hoose ayaa tibaaxay in Cadde Muuse u sii gudbayey Dubai.
Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka DGPL Xasan Daahir Afqurac iyo wafdi uu hogaaminaayo oo ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano DGPL ayaa u kicitimay Dalka Suudaan iyagoo sheegay in ay ka heleen Casumaad Madaxda Dalka Suudaan.
Faafin: beach.20m.com | Dec 30, 2005
    
|